Munaasabadda xusuka sanad guurada 81-aad ee aas aaska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay xarunta Jeneraal Kaahiye ee Muqdisho.
Xafladda oo si heer sare loo soo Agaaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wasiirro, xildhibano katirsan labada Aqal iyo saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo munaasabada ka hadlay ayaa yiri “Waxaan qornay buug aan ku uruurinay taariikhda Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo kasoo bilaabaneysa 81-sano ka hor.”
Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hamblayo u diray dhammaan saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowladda ay ka go’antahay in dalka ay ka qabato doorasho qof iyo cod.
“…56 sano kadib dalka doorasho way ka dhaceysaa ,Ciidanka Booliisku ha isku diyaariyo nabad gelyada muwaadiniinta codbixiyaasha ah.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “Meel loo noqonayo ma jirto dalkaan dowlad ayuu leeyahay ma ogolin in arrimaha Soomaaliya dibadda loo qaado”.
Munaasabada ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay masuuliyiin kale kuwaa oo dhamaan hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo maanta u dabaal dagayay sanadguurada 81-Aad eee aas aaska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Horseed Media