Xildhibaanada barlamaanka federaalka ayaa maanta la horgeeyay labo hindise sharciyeedoo kala aha Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka…
Xildhibaanada barlamaanka federaalka ayaa maanta la horgeeyay labo hindise sharciyeedoo kala aha Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Hindise sharciyeedka Difaaca qaranka
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim “Muudey” oo shir guddoomiyay kulanka guud ee golaha Shacabka ayaa waxa ay ugu horeyn Akhrinta 1-aad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaana Golaha u faah faahiyay Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow ‘’Ducaale’’ oo sheegay in sharcigan uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka.
Qaar ka mid ah Xildhibaanbada Golaha Shacabka ayaa su’aalo la xiriira Hindise sharciyeedkan weydiiyay Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo kulanka, waxaana mas’uuliyiintan ay Xildhibaannadda uga jawaabeen su’aalihii ay weydiiyeen.
Sidoo kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta 1-aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Difaaca Qaranka, waxaana golaha u faafaahiyay Wasiirka Difaaca Mudane Xasan Cali Maxamed Amardambe oo ka hadlay ahmiyadda uu sharcigan u leeyahay dalka.
Sidoo kale Xidhibaannada qaarkooda oo Hindise sharciyeedkan su’aalo ka qabay ayaa Wasiirka weydiiyay, iyadoo uu Wasiirka Difaaca ee dalka uu uga jawaabay su’aalihii la weydiiyay..
Labadan Hindise sharciyeedka ah ee ay mudanayaasha Golaha Shacabka ay Akhrinta koowaad marsiiyeen ayaa waxaa si toos ah loogu wareejiyay Guddiyada Arrimaha gudaha iyo Amniga iyo sidoo kale Difaaca si ay waajibkooda uga soo gutaan ka dibna ay dib golaha ugu soo celiyaan si Akhrinta labaad loo marsiiyo, loogana doodo, waxaana kulanka soo xiray Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay.
HORSEEDMEDIA