Muqdisho: 29 Qof oo Maanta Laga Helay Coronavirus

Published: April 19, 2020

Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada ee dowladda federaalka ayaa maanta shaaacisay dad cusub oo laga helay cudurka Covid-19, kuwaaso tiradoodu dhan tahay 29 Qof

Tirada maanta laga helay cudurka COVID-19 ayaa ka dhigaysa tirada guud ee xaaladaha la xariira Caabuqa COVID-19 ee Somaliya 164 xaaladood. Wasaaradu waxay sheegtay in dadka laga helay cudurka ay 21 qof yihiin rag, halka 8 qof yihiin Dumar.

Wasaaradu waxay sheegtay in Hal qof oo ka mid ah dadkii uu ku dhacay Covid-19 uu ka bogsaday cudurka taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunka ka kacay 3 qof.

“Waxaa bogsaday Hal (1) bukaan ka dib markii la xaqiijiyay in jirkiisa laga waayay jeermiska cudurka, taasi oo ka dhigeeso tirada guud oo ka caafimaaday cudurka Sadax (3) qofood” sidaas waxaa lagu yiri warbixinta wasaaradda

Dadka u dhintay cudurka ayaa aha 7 qof

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *