Muqdisho: 36 Qof oo Laga Helay Coronanvirus 24kii Saac ee u dambaysay

17 April, 2020

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyadoo gudanaysa waajibka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba…

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyadoo gudanaysa waajibka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba waxii kasoo kordha xaaladda Caabuqa COVID-19, waxay bulshada la wadaagaysaa qodobadan:

24kii saac ee u dambaysay waxaa la baaray 47 qof. Waxaa laga helay curudka COVID-19 36 qof, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee la xaqiiyey 116 qof.

Bukaanada cudurka maanta laga helay, 27 kamid ah waa Lab, 9 ka kalena waa Dhadig. 30 kamid ah waxay da’doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 39 sano (83%). 5 kamid ahna waxay da’doodu u dhaxysaa 40 ilaa 59 sano (14%). 1 qofna wuxuu ka weynyahay 60 sano.

Waxaa maanta cudurka COVID-19 u geeriyooday 1 qof oo da’diisu tahay 60 sano kuna geeriyooday Muqdisho. Tirada guud ee shimashada ayaa ah 6.

https://www.facebook.com/plugins/post.php?href=https%3A%2F%2Fwww.facebook.com%2FWasaaraddaCaafimaadkaSoomaaliya%2Fposts%2F2711508985638936&width=500

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *