Muqdisho: Askari Dilay Qof Shicib ah oo Dil Lagu Xukumay

Published: March 10, 2020

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka ayaa dil ku xukuntay Maxamed Cismaan Maxamed Nuur oo ah Dable ka tirsan ciidamada milateriga Federaalka.

xukumane Maxamed Cismaan Maxamed Nuur

Askariga ayaa loo haystay dilka Allaha Unaxariiste Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan  oo uu ku dilay garoon lagu ciyaaro kubadda cagta  oo ku yaal dagmada Kaxda ee Magaaladda Muqdisho saddaxdii January ee sanadkan.

ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee maxkamada Ciidamada Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa u sheegay Garsoorayaasha in eedeysane Dable Xoogga Maxamed Cismaan Maxamed Nuur uusan ka mid ahayn dadka ku ciyaarayay garoonka ku yaal degmada Kaxda,balse uu garab siin ugu yimid wiil ay isku hayb yihiin, waxa uu sheegay in si’aan ka fiirsasha lahayn uu ugu riday laba xabadood  Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan sidaasna uu ku geeriyooday.

Abuukaataha u doodayay eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in Maxamed Cismaan Maxamed Nuur uu u tagay garoonka si’ uu uga fal celiyo walaalkiis oo ciyaarta kubadda looga saaray awood sheegasho, balse markii uu meesha tagay isku daygiisa kala eryidda dhalinyaradii ciyaaraysay iyo xabadhii uu riday ay sababeen dhimashada Marxuumka.

Gabagabadii, Dhagaysiga dacwada ka dib Maxkamada ayaa ku xukuntay Maxamed Cismaan Maxamed Nuur dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan sida uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

xukunsanaha ayaa haysta  fursad  30-cisho ah oo   uu ku dalban karo Rafcaan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *