Muqdisho: Askari horay u dilay Taliyahiisii oo dil toogasho ah lagu fuliyey

Published: October 7, 2022

Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo Jimce ah xukun dil toogasho ah ku fulisay Askari ka tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo dilay Taliyihiisii.

Askariga dilka lagu fuliyey ayaa lagu magacaabaa Cabdinaasir Daa’uud Sheekh Xasan waxa uuna si bareer ah u dilay Taliyahii Ururka 59-aad ee gaadiidka xoogga dalka Dhame Cabdi Maxamed Axmed oo loo yaqiinay Huradaaye.

Xukunka Toogashada ee Maanta lagu fuliyay Cabdinaasir Daa’uud ayaa ka dhacay fagaaraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho, waxaana goob joog ka ahaa fagaaraha toogashada ka dhacday xubno ka tirsan Maxkamada ciidamada, saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga iyo qaar ka mid ah ehelada labada dhinac.

Xidigle Cabdinaasir Daa’uud ee Maanta toogashada lagu fuliyay ayaa horay u sheegay in sababta taliyahiisii uu u dilay ay aheyd inuu ka waayay xaquudii Mushaarkiisa, saakay ayaana ugu dambeyn asna dil toogasho ah lagu fuliyay.

Horseed Media