Muqdisho: Booliska oo Faahfaahin hordhac ah ka bixiyay Qaraxii ka dhacay Boondheere

Published: July 15, 2024

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in gaari ay waxyaabaha qarxa khawaarijta ka soo buuxisay uu ku qarxay maqaayadda Top Coffee oo ku taalla agagaarka taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, kaas oo la dhigay banaanka maqaayadda.

Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa warbixinta hordhaca ah ee khasaaraha qaraxa geystay ku sheegay dhimashada 5-qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 20 kale, waxuuna tilmaamay inay socdaan qiimeynta rasmiga ah ee khasaarihii ka dhashay qaraxaasi.

Weerarkan bambaano ayaa lagu soo beegay 48saac kadib iska-horimaad ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Muqdisho, halkaasi oo ay maxaabiista Al Shabaab oo hub helay kula dagaalameen illaalada xabsiga.

Waxaana weerarka Xabsiga ku geeriyooday 5 maxbuus iyo 3 askari halka ay ku dhaawacmeen 18 kale, sida uu xajiiyey afhayeen u hadlay ciidanka asluubka Soomaaliyeed.

Horseed Media