Muqdisho: Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay gaari miineysan

Published: February 18, 2012

Ciidamada nabad sugidda ee dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Gaarigan miineysan oo lagu qabtay isgoyska Km-4 ayaa sidoo kale waxaa gacanta lagu soo dhigay dareewalkiisii oo isaguna xirnaa jaakadda qaraxa.

Gaashaanle Khaliif Axmed Ereg oo ah taliyaha ciidamada nabad sugidda ee gobolka Banaadir ayaa saxaafadda uga warbixiyey qaabkii gaarigaas walxaha qarxa lagu soo rakibay ay gacanta ugu soo dhigeen.

Wuxuuna sheegay in gaarigan ay kasoo qabteen isgoyska Km-4 halkaasoo uu tilmaamay in xoogaga Shabaabku ay rabeen inay dad badan oo rayid ah ku bartil maameedsadaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale ninka gaarigaas watey oo magaciisa lagu sheegay Idiris Sh. Cabdifataax (Bilaal) ayaa sheegay in uu kasoo kexeeyey deegaanka Ceelasha biyaha uuna rabey inuu gudaha magaalada Muqdisho isku qarxiyo.

Arintan ayaa kusoo beegmeysa xilli shalay qarax ay dhowr askri kudhaawacmeen uu ka dhacay xarunta CID-da kadib markii halkaas la geeyey gaari walxaha qarxa lagu soo rakibay oo ay ciidamada nabad sugiddu qabteen.

 

Horseed Media