Muqdisho: Ciidamo la dhigay Wadooyinka & Xaafadaha ay degen yihiin Murashaxiinta

Published: December 17, 2020

Magaalada Muqdisho ayaa xalay laga dareemayey dhaq dhaqaaq ay wadeen ciidamada dowlada kuwaasi oo la dhigay wadooyinka muhiimka ah iyo waliba nawaaxiga xaafadaha ay degen yihiin Murashaxiinta Madaxweyne.

Dowlada Federaalka wax war ah kama soo saarin wadooyinka xiran iyo ciidamada la geeyey goobaha ay degen yihiin murashaxiinta, arrintaasi oo walaac ku abuurtay shacabka magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa ku tilmaamay arrintan mid la xariirta xuska weerarkii lagu qaaday xarunta wadajir 17kii December sanadkii 2017 oo lagu laayey askar illaalo u ahayd hogaamiyahaasi mucaaridka.

Dowlada Federaalka ayaa cambaareysay mudaharaadkii ka dhacay magaalada caasimada ah oo looga soo horjeeday xukuumada Madaxweyne Farmaajo, xili ay weli jirto khilaafka ka taagan doorashada 2020/21.

Murashaxiinta oo cambaareeyey ciidamada ay dowlada u adeegsatay shacabka banaanbaxa ka dhigay Muqdisho ayaa sheegay inay iyagu ku biiri doonaan banaanbaxyada la qorsheenayo inay markale ka dhacaan magaalada.

Qoraal ay goordhaweyd soo saareen Murashaxiinta ayey ku cambaareeyey ciidamada la dul dhigay.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *