Muqdisho: Ciidamo Lagu Soo Tababaray Turkiga Oo Kusoo Laabtay Dalka

Published: March 8, 2021

Cutubyo ka tirsan ururka 6-aad ee Guutada 17-aad ee Gorgor ee Kumandooska Soomaaliya oo lagu soo tababaray dalka Turkiga ayaa dalka ku soo laabtay.

Ciidamadan oo ay keentay diyaarad laga leeyahay dalka Turkiga oo nooca ciidamada circa, ayaa waxaa soo dhoweeyay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed .

Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo la hadlayay ciidamada Gorgor ee dalka lagu soo celiyay ayaa uga mahadceliyay walaalaha Turkiga, waxaana uu kula dardaarmay in ciidamadan ay ka qeyb qaataan dhismaha Nabadda.

“Dhismaha ciidanka waa socdaa xuquuqdoodana waa diyaar, Soomaaliya Hanoolaato, iga guddooma salaanta Madaxweynaha waad mahadsan tihiin”

Wasiir Xasan Xuseen

Soomaaliya ayaa helaysay tababaro ciidan oo dibedda ah, balse imaatinka ciidamadan ayaa yimid xilli dalka doorasho loogu hanweynyahay in ay ka qabsoonto.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *