Muqdisho: DFS oo sheegtay in 10 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ay gacanta ku dhigtay

Published: September 17, 2022
Shares52

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay Magaalada Muqdisho ku xireen 10 kamid ah Ururka Al-Shabaab, ka dib markii xog sugan ay ka heleen shacabka degan magaalada.

War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in sidoo kale ay ciidamadu la wareegeen saddex xarumood, oo xubnaha Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayeen, gaadiid iyo weliba hub.

“Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka ee NISA oo ku duulaya xog sugan, oo ay ka heleen shacabka Muqdisho ayaa qaaday hawlgal qorsheysan oo ay ku soo qabteen 10 xubnood oo ka tirsan Al Shabaab, iyagoo sidoo kale la wareegay saddex xarumood oo ay si dhuumaaleysi ah u joogeen, gaadiid iyo hub Magaalada Muqdisho.” Ayaa lagu yiri warka.

Sidoo kale warka waxaa intaas la sii raaciyey “Ciidamada ayaa hawlgalkan ku burburiyay shabakad ka tirsan argagixisada, oo abaabulayay dilal iyo falal amniga lid ku ah.”

Horseed Media