Muqdisho: Dugsiyada iyo Jaamacadaha oo la fasaxay muddo 15-cisho ah

Published: March 18, 2020

Dugsiyada iyo Jaamacadaha dalka ayaa maanta fasaxay ardayda wax ka barata, iyagoo fulinayaa amarkii Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ee ahaa in muddo 15-cisho la fasaxo dhamaan goobaha waxbarashada si looga hortago faafida caabuqa karoona feyrus oo kiiskii ugu horreeyay isbuucaan ay shaacisay wasaaradda caafimaadku in dalka laga helay.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo xalay shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faray  in la fasaxo dhammaan goobaha waxbarashada si looga baaqsado faafinta cudurka karoona feyrus oo dhibaato xoogan ku haya caalamka,wuxuuna bulshada ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha leyskugu yimaado.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *