Muqdisho: Ganacsatada Qaadka Miiroowga oo ku dhawaaqay shaqo joojin labo Maalin ah

Published: July 29, 2022

Guddiga ganacsatada ee dalada Qaadka Miiroowga Kenya oo shirjaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen iney joojinayaan muddo laba maalin ah.

Guddiga ganacsatada ayaa shaqo joojinta u sababeeyey qiima koror iyo canshuur siyaado ah oo lagu kordhiyay qaadkii ay ka keeni jireen gudaha Kenya.

Guddigaan ganacsatada ah ayaa madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyey dadaalkii uu dib ugu fasaxay keenista gudaha Soomaaliya Qaadka laga keeno dalka Kenya oo ay horay u joojisay dowladii ka horeysay ee madaxweynaha uu ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waxaan ka cabaneyna shaqsiyaad doonaya iney suuqa inagala baxaan oo ah siyaasiyiin iyo Xildhibaano hore oo raadinaya shatiyo ganacsi, waxaa kaloo aan sheegayna inaan joojinay keenista Qaadka mudo laba maalin ah, qiimo koror beeraleyda ay sameyen darteed” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Qaadka Miiroowga.

Waxa uu intaas sii raciyey “sadax maalin ayaa keenaynay qaadka waxan ku bilawnay lacag dhan 800 hadana waxay mari haysa 1200 waana qiimo koror siyaado ah, waxa noo sii dheer canshuur siyaado ah, waxaan madaxda ka dalbaneyna in arintaasi wax ka qabtaan”

Sidoo kale Guddiga waxay sheegeen in qarashaadka beeraleyda Qaadka ay kordhiyeen iyo suuqa Muqdisho oo dhaqaale xumo la daalaan dhacaya aysan aheyn kuwa is kaafin kara saas darteed shaqo joojintooda ay soo dadajisay, iyagoona ka codsaday madaxda dowladda wax ka qabashada cabashadooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *