Muqdisho: Guddiga Doorashada oo Soo Saaray Jadwalka Khudbadaha Murashixiinta Madaxweynaha

Published: January 31, 2017

 

Guddiga qabanqaabadda doorashadda madaxweynaha Soomaaliya ayaa galabta soo saaray jadwalka khudbadaha murashixiinta u tartamaya jagada madaxweynaha Soomaaliya, waxayna soconaysaa muddo saddex maalmood ah oo ka bilaabanaysa 2da bisha February.

Sida uu dhigayo jadwalku, maalinta khamiista ah waxaa khudbadahooda barlamaanka ka hor jeedin doona 8 murashax oo ku jiro madaxweynaha xilkiisii dhamaaday ee Xasan shiikh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Murashixiinta ay ka mid yihiin Cabdiqaadir Cosoble Cali, C/raxmaan Faroole, Cali Xaaji Warsame iyo Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid waxay khudbadahooda jeedin doonaan maalmaha Sabtida iyo Axada oo ku beegan 4-5 bisha February.

soo bixitaanka jadwalka khudbadaha murashixiintu wuxuu ku soo beegmayaa, iyadoo maanta la joojiyay doodii murashixiinta su’aalaha lagu waydiin lahaa, ka dib markii murashixiinta qaarkood ay diideen inay ka qaybgalaan ka dib markii loo sheegay inaysan dooda toos looga daawan karin telefishanada cilad xaga internetka ah awgeed.

Halkha ka Akhriso Jadwalka Murashixiinta.

Horseed Media 2017

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *