Muqdisho: Gudoomiye la dilay xili uu kasoo baxay Masjid

Published: May 21, 2021

Guddoomiyihii Deegaanka Garasbaaleey ee magaalada Muqdisho C/raxmaan Axmad Cali Garyare iyo labo kamid ah ilaaladiisa ayaa lagu dilay Qarax Miino oo ka dhacay deegaankaasi.

Qaraxa Miiino ayaa lala beegsaday xilli ay kasoo baxeen Masjid Deegaankaasi ku yaala Salaadii Jimce ee maanta.

Sarkaal u hadlay Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano dheeriya oo ku saabsan Qaraxa lagu dilay masuulkan iyo ilaaladiisa si loo helo raadad suurtagalin kara in la soo qabto dhagarqabayaasha dilka geystay.

Kooxaha Argagixisadda ayaa inta badan ku beegsada Masaajidada dadka cibaadaysanaya, taasoo ah ficil ka fog Diinteenka Suuban.

Horsed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *