Muqdisho: Iska horimaadka ka dhacay xaafadaha Kaaraan iyo Cabdi-Casiis

Published: December 19, 2020

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay dagaal maanta ka dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Cabdi-Casiis ee gobalka Banaadir (Muqdisho).

Illaa iyo hada lama xaqiijin karo tirada rasmiga ah ee waxyeelada kasoo gaartay dagaalkan dhexmaray labo kooxood oo ka wada tirsan ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya.

Xiisadan ayaa la sheegay inay ka dhalatay dhul ay isku qabsadeen dad shacab ah oo ay kala taageerayeen kooxaha dagaalamay.

Dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay shacabka ku nool xaafadaha ku dhaw dhaw goobta uu dagaalka ka dhacay ee Kawaanka Bari, waxaana la sheegay inay jiraan qoysas guryahooda ka qaxay.

Maamulka Gobalka Banaadir iyo Laamaha Amaanka ee Muqdisho & Dowlada ayaan weli ka hadlin xiisadan maanta saameysay xaafadaha ka tirsan Kaaraan iyo Cabdi-Casiis.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *