Muqdisho: Jen. Sheegow Oo La Soo Qabtey?

Published: August 19, 2023

Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda ayaa habeenkii xalay ku dagaalamay degmada dharkeynley ee magaalada Muqdisho, dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada xasilinta Muqdisho ee loogu yeero Boliisiyo Miltaaro ay isku dayeen in ay soo qabtaan nin isku magacaaba Jen Sheegow Axmed Cali oo degmada dharkeynley ku haystey ciidamo si xooggan u hubeysan.

Jen. Sheegow ayaa ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, waxaana laga ruqseeyey ciidamada sanadkii 2020 sida Horseed media ay xogta ku heleyso, waxa uu ka mid ahaa ciidamadii la baxay badbaado qaran ee ka horyimid dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sanadkii 2021. Sheegow waxa uu ka soo jeedaa beesha Jareer Weyne. Sanadkii 2017 ayuu xaflad ku qabsadey Jowhar loogu caleema saarey derajada jeneral taas oo uu sheegtay in Madaxweynihii xilka ka degay markaas Xasan Sheekh Maxamuud uu u dalacsiiyey jeneral.

Waxaa lagu eedeeyey in ciidamada uu wato ay dhibaato xoogleh ku hayaan dadka deggan xaafadda Dharkeynley.

Ilaa hada lama sheegin khasaare dhimasho oo ka dhacdey dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho, waxaase jira dhaaawacyo labada ciidan soo kala gaarey.

Ciidamada Boolis Milataaro ayaa culeys xoogleh saarey subaxnimadii saakey oo Sabti ah halka ay ku jireen kuwa Gen Sheegow, ugu danbeyn waxa Gen. Sheegow ku dhawaaqey in uu is dhibeyo isaga iyo 30 askeri oo kale oo ciidankiisa ah.

Gen. Sheegow iyo ciidankiisi ayaa hubka laga dhigey kadibna loo kaxeeyey dhanka saldhig boolis oo degmada ku yaala.

Horseed Media