Muqdisho: Kalfadhiga 2aad ee labada gole Barlamaanka Soomaaliya oo furmay

Published: November 30, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 2aad ee wadajirka ah BJFS.

Kalfadhigan ayaa ajandihiisu ahaa qeybinta iyo akhrinta koowaad ee qoondaha miisaaniyadda 2023-ka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa warbixin guud ka siiyay xildhibaannadda labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Wasaaradda Maaliyada dadaal dheer ay uga jirto sidii Soomaaliya loogu cafin lahaa deymaha lagu leeyahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ugu dambeyn kulanka soo xiray ayaa sheegay in Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka laga war sugo ilaa ay uga soo dhamaato qiimeynta si loo hor keeno akhrinta labaad iyo akhrinta sedexaad ee labada gole Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Horseed Media