Muqdisho: Khasaare Ka Dashay Qarax Lala Eegtay Guddoomiye Degmo

Published: August 23, 2020

Wararka ka imaanaya magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in guddoomiyaha degmada Yaaqshid Muuse Geesey uu ka badbaaday qarax Miinow oo lala eegtay gaari uu saarnaa oo Marayay Xaafada Cabdicasiis gaar ahaan Garoonka ciyaaraha ee Ing Yariisow

Qaraxan oo wararku sheegayaan inuu ahaa nooca dhulka la galiyo ayaa waxaa ku dhintay Haweenay, waxaana dhaawacyo ka soo gaareen saddex qof oo shacab ah.

Guddoomiyaha iyo saraakiil kale oo la socotay ayaa ka qaybgali lahaa ciyaar kubada cagta oo galabta ka dhici lahayd garoonka ciyaararaha ee Ing Yarisow.

Ururka Alshabaab ayaa 16 bishan Weerar ay u adeegsadeen gaarin qaraxyo laga soo buuxiyay iyo dagaalyahano hubaysan ku qaaday Hotel Elite oo ku yaal xeebta Liido ee Muqdisho halkaasi oo ay ku dhinteen 16 qof.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *