Muqdisho: Munaasabad lagu soo bandhigay Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta Soomaaliyeed

Published: October 17, 2022

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa daahfuray munaasabad lagu soo bandhigayay Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta Soomaaliyeed, si loo helo qorshe guud oo isku xira dowladda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Qurbaha.

Siyaasaddan oo dejinteeda lagu howlanaa muddo dheer oo soo martay heerar kala duwan ayaa lagu talo jiraa in la horgeeyo golayaasha ay khusayso si loo ansixiyo.