Muqdisho oo laga mamnuucay Xirashada Maskiga iyo Koofiyadaha

Published: February 14, 2024
Shares22

War ka soo baxay mamaulka gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in hadda wixii ka danbeeya ay mamnuuc tahay in la daboolo afka iyo sanka iyada oo la isticmaalayo Maskiga iyo weliba koofiyadaha madaxa ee iska leh hadhka.

Afhayeen u hadley Gobolka banaadir ayaa yiri:

Iyada oo la fulinaayo go’aamadii ka soo baxay shirkii amniga ee uu guddoomiyey Madaxweynaa Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aadan dardargelinta amniga caasimadda Muqdisho, waxa uu guddoomiyaha gobolka Banaadir Yusuf Madaale farayaa laamaha amniga.

Si loo dardargelyo awaamiirta horey u soo baxdey ee xakameynta hubka, in aan wax hub ah lala raaci karin Bajaajta iyo gadiidka kale ee dadweynaha. Maadaama dalka aysan ka jirin fayraska Karoonaha ee sababey in Mask la isticmaalo in maanta wixii ka danbeeyo loo arkayo qofkasta oo isticmaala in uu iska qarinaayo laamaha amniga, isla markaana sharciga lala tiigsanaayo. Waxaa mamnuuc ah koofiyadaha noockasta ah oo qofku isku qarin karo, marka laga reebo kuwa dhaqanka ama Muslimiintu qaataan ee aan harka lahayn

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay qofkii lagu arko Koofiyadaha nooca la sheegay iyo mask in sharciga lala tiigsanaayo.

Waxaa weli jira dad xirta maskiga gaar ahaan goobaha la isugu yimaado. Viruska Karoonaha ayaa weli dad ku laynaya adduunka. Hay’adda WHO kuma dhawaaqin in Fayraska Karoonaha laga ciribtirey dunida oo Soomaaliya ka mid tahay, waxaana la is weydiinaya cidda xaqiijisey in caabuqu dalka Soomaaliya ka suuley.

Koofiyadaha ayaa dadka qaarkiis u qaataan in ay ka gaashaantaan kuleyla qoroxda iyo dabaysha, waxaana lagu jiraa xiliyadii ugu kululaa ee magaalada Muqdisho, koofiyadahan dadka ugu badan ee isticmaala ayaa ah kuwa u shaqeeya laamaha amniga.

Waxaa jira awaamiir badan oo horey uga soo baxay gobolka Banaadir kuwaas oo aan fulin.

Horseed Media