Muqdisho: Qarax ka dhacay Wadada tagta Villa Somalia

Published: February 13, 2021

Qarax weyn oo loo adeegsaday gaari bambaano lasoo saaray ayaa ka dhacay mid kamid ah goobaha kontaroolka lagu baaro gaadiidka wadada tagta xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay Kontaroolka Sayidka, waxaana la sheegay in gaarigan oo lagu sheegay inuu ahaa nooca loo yaqaan Noha uu xoog ku jiiray bar kontarool oo ku taal jidka Dabka, kadibna ku qarxay nawaaxiga Siyadka oo ah wadada aada Villa Soomaaliya.

Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ayaan weli si rasmi ah loo shaacin, balse muuqaalada laga helayo goobta qaraxa ka dhacay ayaa muujinaya inay halkaasi ku gubteen Bajaaj badan iyo gaadiid taagnaa goobta kontaroolka ah.

Mid kamid ah dadkii ka badbaaday qaraxa oo ahaa wade Bajaaj ayaa warbaahinta u sheegay in shacab badan ay goobta isaga carareen kadib markii ay arkeen gaarigan doonayey inuu xoog ku jiiro goobtaasi oo ay xabado baddan ku rideen ciidamada amaanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *