Muqdisho: Qarax lala beegsaday Maareeyaha Dekadda

Published: November 28, 2020

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhaawacmay qarax miino ah oo xaafada Cabdicasiis ka dhacay subaxnimadii Sabtida, weerarkaasi oo lala beegsaday gaari siday Maareeyaha guud ee Dekadda Muqdisho.

Maareeyaha Axmed Maxamed Maxamuud (Washington) ayaa la sheegay inuu weerarkan ka badbaaday, hase yeeshee ku dhaawacmeen qaar kamid ah illaaladii la socotay.

Weerarkan ayey sheegatay kooxda Al Shabaab, waxaana lagu soo beegay saacado kadib qaraxii xalay lala beegsaday Makhaayad ku taal Muqdisho oo ay ku dhinteen dhalinyaro  baddan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *