Muqdisho: Qaraxyo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Kaaraan Iyo Yaaqshid

Published: March 10, 2021

Waxaa maanta qarax ka dhacay Muqdisho gaar ahaan degmada Yaaqshiid meel ku dhow hoteel Guuleed, kaas oo dhawaaqiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso oo lala eegtay gaariga guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Yaaqshiid Cabdullaahi Shiilow, balse lama uusan socon gaariga.

Ilaa shan qof oo isugu jirey askar gaari saarnayd iyo dad rayid ah oo wadada marayey ayaa lagu soo waramayaa inuu khasaare dhimasho iyo dhaawac leh u geystay.

Dhanka kale waxaa maanta degmada Karaaan ee gobolka Banaadir qarax lala beegsaday gaari dadka loogu wacyigeliyo cudurka Covid-19, waxaana ku dhintay hal ruux oo ahaa darawalkii waday gaariga la qarxiyay oo nuuciisu ahaa midka raaxada, halka laba kalena oo kamid ahaa Waaxda Caafimaadka ee Gobolka ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *