Muqdisho: Qoys Dhulkooda Xoog Looga Burburiyay – VIDEO

Published: October 17, 2020

Qoyska reer Cali Xaaji Yuusuf oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in si sharci darro ah looga burburiyey dhul ay ku lahaayeen degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Waxay sheegen shaqsiyaad magaca dowlada huwan inay u awood sheegteen ayna dhaqaale ku bixiyeen sidii ay u xalaalaysan lahaayeen hantidooda iyadoo dacwadoodu muddo ka socotay Maxkamada Sare iyo tan gobolka Banaadir.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Banaadir Saadiq Joon ayey ku eedeeyeen inuu ku sameeyey ku takri-fal awoodeed, isaguna sababteeda lahaa burburinta hantidooda.

Madaxda sare ee dowlada federaalka Soomaaliya gaar ahaan madaxweynaha iyo raysalwasaaraha ayey ugu baaqeen inay arrintan ka hadlaan maadaama dhulkii ay sharciga u haysteen isla markaana dhaxalka u lahaayeen laga boobayo.

Hoos ka daawo:

https://www.facebook.com/270685490155779/videos/357216892167776

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *