Muqdisho: Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo u ambabaxay dalka Masar

Published: January 8, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Masar.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in booqasada ay qaadan doonta muddo saddex cisho ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Qaahira, wada hadallo la xiriira iskaashiga labada dal ee walaalaha ah waxa ay la yeelan doonaan madaxda waddanka Masar.

Safarkan ayaa ku soo aadaya xilli Dowladda Soomaaliya ay wado dadaalo ay ku dooneyso inay sii ballaariso xiriirka ay la leedahay qaar kamid ah wadamada Caalamka oo ay kujiraan dalalka taageerada siiya Soomaaliya.

Horseed Media