Muqdisho: Rasaas weli laga maqlayo gudaha hotelka Villa Rossa oo xaley la weeraray

Published: November 28, 2022

Hotel Villa Rossa oo fiidnimadii xalay ay weerar ku qaadeen Al-shabaab ayaa ilaa hadda laga maqlayaa Rasaas teel teel ah oo gudaha hotelka ka dhacaysa.

Hotelkan ayaa ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya fiidnimadii hore ayaa dowladu sheegtay in ay Masuuliyiin Dowlada ka tirsan iyo Dad shacab ah ay ka soo badbaadiyeen balse wali ay ku go’doonsan yihiin Dadka kale.

War qoraal ah oo isla xaley ka soo baxay ciidamada booliisku waxay sheegeen inay koox Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen hoteel ku yaalla degmada Boondheere ee Muqdishu.

Booliiska ayaa intaas ku daray in ciidamada ay wadaan hawlgal lagu soo afjarayo weerarka.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in dad badan oo iskugu jira rayid iyo mas’uuliyiin laga soo badbaadiyey weerarka.

Weli ma sugna khasaaraha ka dhashay balse saacadihii hore ee xalay waxa la sheegey in la soo samata-bixiyey mas’uuliyiin badan.

Horseed Media