Muqdisho: Safiirka UK oo la kulantay Taliyaha Booliiska Federaalka

Published: March 26, 2021

Kulankan ka dhacay xarunta Xalane oo ay ku taal Safaarada UK ayaa kusoo beegmay xili Golaha Badbaado Qaran oo ay ku jiraan Puntland & Jubaland sheegeen in aan laga heshiin qaabka loo sugi doono amniga Doorashada oo kamid ah qodobada weli lagu muransan yahay.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, sareeyo gaas Cabdi Xasan Xijaar, iyo danjiraha UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa ka wadahadlay sugidda amniga doorashooyinka.

Taliyaha booliiska ayaa dowladda UK uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan ciidanka Booliiska.

Murashaxiinta ku sugan Muqdisho, Puntland iyo Jubaland ayaa ku eedeeyey ciidamada Haramcad oo hoostaga Booliiska weeraradii ka dhacay magaalada Muqdisho 19kii Feberaayo.

Safaarada UK ee Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in wadankooda uusan wax taageero ah siin doonin doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *