Muqdisho: Sarkaal Ka Tirsan Militariga Soomaaliya Oo Qarax Lala Eegtay Gaarigiisa

Published: March 25, 2021

Gaari uu la socday sarkaal ka tirsan ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa maanta qarax lala eegtay xili uu marayay waddo oo ku taalla degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa dhawaaqiisa laga maqlay qaar kamid ah xaafadaha degmada Dayniile, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Sarkaalkii watay gaariga oo lagu magacaabi jirey Cali Bariise ayey wararku sheegayaan inuu ku dhintay qaraxaasi, waxaana ku dhaawacmay askartii ilaalada u ahayd sarkaalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *