Muqdisho: Shiinaha oo markab sida cunto gargaa ugu deeqday Soomaaliya

Published: September 20, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Fei Shengchao.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada dowladda Shiinaha ee dhinacyada Gurmadka Abaaraha iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee dib-u-dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha kaalmada ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, xilligan ay dalka ka jiraan abaaraha ku dhuftay qeybo badan oo kamid ah waddanka, una baahan in wadajir loogu istaago gurmad kooda.

Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Fei Shengchao ayaa dhankiisa tilmaamay in dowladdiisu ay kaalinta uga aaddan ka qaadan doonto gurmadka abaaraha.

Sidoo kale waxa uu intaa raaciyay in dhawrka maalmood ee soo socda dekedda Muqdisho uu ku soo xiran doono markab sida cunto gargaar oo ay dowladda Shiinaha ugu deeqday Soomaaliya.

Horseed Media