Muqdisho: Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta la soo gabagabeenayo

Published: October 29, 2022

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka uu guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maanta oo sabti ah la soo gabagabeeyo.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa shirkan muddadii uu socday diiradda ku saaray, dardargelinta dagaalka dalka looga xoreynayo Al-shabaab, dhammaystirka heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka.

Sidoo kale inta uu shirka socday Madaxda ayaa ka wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed iyo dib u heshiisiinta.

Gebagabada shirka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa lagu wadaa inay warsaxafadeed ka soo saaraan qodobadii shirka looga hadlay iyo waxyaabaha ay ku heshiiyeen.

Horseed Media