Muqdisho: Taliska Booliska ee gobolka Banaadir oo soo bandhigay burcad dhac geysatay

Published: August 4, 2022

Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir ayaa Saldhiga Degmada Howlwadaag ku soo bandhigay Burcad dhac u geesatay qaar ka mid ah Shacabka, kuwaas oo la baadi goobayeen.

Burcadda ayaa 27 July 2022-ka  Xaafadda Daalo ee isla degmada Howlwadaag ka dhacay gaari nooca raaxada ah oo ay wateen dad shacab ah, kuwaas oo degnaa Degmadaas.

Taliyaha Saldhiga Degmada Howlwadaag ee Gobalka Banaadir Najiib Carab oo Warbaahinta kula hadlay Saldhiga Booliska ee Degmada ayaa sheegay in ay heleen xogo ku saabsan Burcaddii dhacday gaarigaan, ka dibna ay bilaabeen howlgal ay iska gaashanayeen Taliska Booliska qeybta Bari kaas oo markii dambe ay ku soo qabteen raggaan.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in Raggan burcadka ah ee geestay dhaca ay gaarayaan illaa saddex Nin oo dhalinyaro ah.

Qaar kamid ah Degmooyinka gobolka Banaadir waxaa bilihii la soo dhaafay kusoo badanayey Kooxo burcad ah iyo ciyaal weero dhac geysanaya, kuwaas oo ay cabasho badan ka muujiyeen dadka shacabka ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *