Muqdisho: Taliska Booliska Oo Soo Bandhigay Nin La Sheegay Inuu Ka Dambeeyey Weerar Qalqalgelin ah

Published: June 27, 2023

Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo soo bandhigay nin lagu eedeeyey inuu hoggaaminayay weerar loo adeegsaday gentaallo macmal ah oo la doonayay in lagu qalqal geliyo Shacabka magaalada Muqdisho.

Kadib howlgal degdeg ah oo ay qaadeen Ciidamada qaabbilsan sugidda amniga Caasimadda ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen Xuseen Cali Deerow Buulle oo lagu tuhunsan yahay inuu hogaaminayey falkaasi.

” 25-6-2023 abaaro 11:30 am, ayaa Khawaarijtu waxay weerar gentaallo macmal ah ku qalqal galiyeen Shacabka Caasimadda, kuwaas oo aan wax dhibaato ah geysan.” ayaa lagu yiri; War Qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolkaa Banaadir

Sidoo kale ciidamadu waxa ay ka hortageen gentaallo rakiban oo aan wali laridin, waxaana lagu burburiyay isla goobtaas halka baaris ay ku socoto ninkii lagu soo qabtay.

Horseed Media