Muqdisho: Wasiirka waxbarashada oo kormeeray iskoolada bixiya adeega waxbarashada bilaashka ah

24 September, 2022

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee XFS Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa maanta kormeer…

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee XFS Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa maanta kormeer uu ugu kuur galayay hannaanka shaqo iyo tayada waxbarashada ay bixiyaan ku tagay dugsiyada hoostaga Wasaaradda Waxabarashadda kuna yaalla caasimada Muqdisho ee kala ah, dugsiga gabdhaha Agoonta ee Boondheere, iskuulka Bartamaha, dugsiga 20-ka December, 21-ka Octobar, iskuul Jabuuti iyo Yaasiin Cismaan oo dhammaantood waxbarasho bilaash ah siiya kumanaan ka mid ah dhallinyarada soomaaliyeed.

Wasiirka oo mid mid u booqday Fasallada, dhismayaasha hoyga ah ee lagu xannaaneeyo caruurta agoonta ah iyo qeybaha maamulka ee dugsiyada, ayaa kula dardaarmay maamuladda iskuulaada in ay muhiimad gaar ah siiyaan barbaarinta ubadka, iyada oo xoogga la saarayo in caruurta si wanaagsan loo baro diinateenna suuban ee Islaamka.

Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ku bogaadiyay maamulada iyo macallimiinta iskuulada dhabar adeygooda iyo sida ay u barbaarinayaan mustaqbalka dalka, asiga oo Amray in aan adeega waxbarashada duqgsiyada dowlada ay tahay lacag la’aan cidii ku xadgudubtana tilaabo sharci ah laga qaadi doono, sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in dhawaan Wasaaraddu ay soo saari doonto amaro ku aaddan arrintaasi, asiga oo u balan qaaday Dugsiyada dowladda in uu dhaqso uga soo jawaabayo baahiyaha ay sheegteen oo ay ka mid tahay ahaayeen kor u qaadista tayadda macalimiinta, dayactirka dugisyada iyo tirada macalimiinta.

Dhankooda maamulada iyo Macallimiinta dugsiyada ayaa wasiirka uga mahadceliyay booqashadiisa iyaga oo la wadaagay warbixino dhammeystiran oo ku aadan hannaanka shaqo ee dugsiyada, caqabadaha ay la kulmaan iyo hiigsigooda dabar goynta jahliga.

Wasiirka Waxbarashadda, ayaa ku amray agaasimayaasha wasaarada in ay ilaaliyaan amaanada iyo bad qabka dugsiyada dowlada, si loo helo goobo wax lagu baro ubadkeena, Wasiirka ayeey ku wehlinayeen kormeerkaan Agaasimaha guud iyo Agaasimaha horumarinta adeegyada Waxbarashadda.