Xaashi Cumar Xasan oo Lagu Diley Muqdisho Kadib Markii Gaarigiisa Qarax Loogu Xirey

Published: July 6, 2022
Xaashi Cumar Xasan oo 16 sano ku xirnaa xabsi ku yaala Rome ayaa Muqdisho lagu qarxiyey

Xaashi Cumar Xasan oo muddo 16 sano ah ku xirnaa xabsi ku yaala dalka Talyaaniga, ayaa maanta Muqdisho lagu diley kadib markii gaarigiisa qarax loogu xiray.

Gaariga qaraxa loogu xirey Xaashi Cumar

Gaariga uu watey Xaashi ee qaraxa lagu xiray ayaa qarxay xilli uu ka baxaayey gurigiisa oo ku yaaley degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho. Dad goobta ku dhawaa ayaa warbaahinta u sheegay in uu isla halkaas ku nafbaxay Xaashi.

Xaashi ayaa loo haystey dilka gabadh weriye ahayd oo la diley sanadkii 1994, taas oo wadey baaritaan ku aadan suntii lagu duugey xeebaha Soomaaliya, oo ay ku lug lahaayeen Maafiyo Talyaani iyo qaar ka mid ah hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho, oo hub uga beddeshey sunta lagu duugey xeebahooda.

Xaashi Cumar ayaa dalka Talyaaniga tegay sanadkii 1998, laakiin waxaa loo xirey dilkii dhacay 1994, waxaana maxkamadiisu socotey muddo dheer. Maxkamad ku taala Rome ayaa sanadkii 2000 ku xukuntey 26 sano oo xabsi taas oo uu ka qaatey 16 sano waxaana la sii daayey sanadkii 2016, kadib maxkamad kale oo ku taala magaalada Perugia ay dib u furtey galka dacwadda waxaana nin la tiraahdo Jeele oo kamid ahaa kuwii ku markhaanti furey uu caddeeyey in uu ahaa hawl la soo abaabuley oo Xaashi aanu denbiga gelin markii horena been-abuur ku sameeyey, waxaana uu caddeeyey in uu dhaqaale ka qaatey nin Talyaani ah iyo nin la yiraahdo Axmed Washington. Maxkamadda ayaa u xukuntey magdhaw gaaraya €3.1 Milyan oo lacagta Euro ah.

Mid kamid ah ehelkiisi oo 2016 Maxkmadda dhexdeeda weriyaasha kula hadley ayaa yiri kuwii shirqooley Xaashi waxay weli ku raaxaysanayaan magaalada Muqdisho waana in caddaaladda la horkeenaa.

Qaraxan ayaa la is weydiin dhanka laga soo abaabuley, in uu weli xiriir la lee yahay Xabsigiisi, dilkii gabadha iyo kooxdii isku daydey in ay isaga denbiga ku wareejiyaan.

Ilartia oo fadhida banaanka Hotel Saxafi 1993 Muqdisho

Maxaan ka ognahay dilkii Ilria Alpi?

Gabadha weriyaha ahayd oo lagu magacaabi jirey Ilaria Alpi, ayaa u shaqeyneysey Telefishanka RAI ee dalka Talyaaniga waxay baaritaan ku haysey sun lagu duugey xeebaha Soomaaliya.

Taariikhdu markey ahayd Maarso 20, 1994, Ilria iyo sawirqaadaheedi Miran Hrovatin ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah iyaga oo saaran gaari Jeep ah ka soo horjeedka Hotel Jubba, magaalada Muqdisho, ka dib markii ay ka soo laabteen safar ay ku tageen magaalada Boosaaso, xilli ay ku sugnaayeen Muqdisho iyagoo u war u diyaarinaayey Telefishanka Rai.

Waxa uuu ka mid yahay dilalka aan ilaa hadda la ogaan cidda ka danbeysey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *