Muqdisho: Xidhibaano Ku Dhawaaqay Kudlada Badbaada Qaranka

Published: February 9, 2021

Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa ku dhawaaqay kudlada badbaadada Qaranka.

Kulanka xildhibaanada ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, marxalada kala guurka iyo muddo xileedka idlaaday ee madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaan Mahad Salaad oo warbaahinta u akhriyey warmurtiyeedkii kasoo baxay shirka ayaa sheegay inay iska dhex doorteen guddi ka kooban 11 xubnood, si dalka iyo dadka looga badbaadiyo firaaq.

Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ka digey in loo sameeyo muddo kordhin, sidoo kale wuxuu sheegay xukuumada hadda jirta inay tahay xukuumad xil-gaarsiin.

Ugu dambeyn xildhibaan Mahad Salaad ayaa cambaareeyay ciidamo uu sheegay in shalay la geeyay xarunta golaha shacabka, wuxuuna ka digay in ciidankaas markale la keeno xarunta golaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *