Muqdisho: Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta kulan yeelanaya

Published: January 21, 2023

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa maanta Xarunta Villa Hargeysa ku yeelanaya mid kamid ah kulamadooda caadiga ah.

Xildhibaannada Golaha ayaa lagu wargeliyay inay soo xaadiraan kulanka, isla markaana waqtiga ilaaliyaan, sida lagu go’aamiyay Kulankii khamiista ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka.

Ajandayaasha Kulanka Golaha Shacabka ayaa waxaa uu yahay Qeybinta Hindise Sharciyeedaka Hay’adda dhiirigalinta Maalgashiga Soomaaliya iyo Qeybinta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed.

Kulamo badan oo ay yeelan lahaayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mararka qaar u baaqda kooram la’aan.

Horseed Media