Muqdisho: Xubo ka tirsan Al-Shabaab oo howlgal lagu dilay

Published: July 24, 2022
Muqdisho

Taliska Ciidamada Booliska ee gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal ay xalay ciidamada ammaanka ka sameeyeen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in ciidamadu inta ay wadeen howlgalka ay la kulmeen xubno ka tirsan ka tirsan Al-Shabaab oo isku dayey inay weeraraan, balse ay ka hortageen, isla-markaana ay toogteen mid ka mid raggaasi.

“Abaaro 8:00 fiidnimo Ciidanka Boliiska oo roondo ku maraya xaafadaha degmada Heliwaa ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah dhagarqabayaasha Al-Shabaab, kadib markii ay si kadis ah ula kulmeen maleeshiyaad hubaysan oo gaadmo ku hayay ciidanka roondada,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidamada Booliska gobolka Banaadir.

Howlgalkaan ayaa qayb ka noqonayo dhaq-dhaqaaqyada ay ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda ka wadaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *