Muqdisho:Daacishta Somalia Oo Sheegatay Dilka Sarkaal Ka Tirsan Nabadsugida

Published: March 28, 2017

Wakaaladda wararka u faafisa Kooxda Daacish ee Amaq ayaa sheegtay in weerar ay daacish ka fuliyeen magaaladda muqdisho ay ku dileen Sarkaal sare oo katirsan Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya ee (NISA) , dilkaasi oo ka dhacay Xaafadda Yaaqshid ee waqooyiga magaalada Muqdishu.

Wakaaladda wararka Daacish ee Amaq faahfaahin dheeraad ah kama bixin magaca iyo derejada sarkaalka ay ku dileen muqdisho iyo qaabka ay u fuliyeen weerarka, hase yeeshee warar madax banaan ayaa sheegaya in xalay degmada yaaqshid uu ka dhacay qarax ka dashay bamb gacmee la soo tuuray..

Dhinac kale, Afhayeenka gobolka banaadir Cabdifataax Cumar Xalane, ayaa Beeniyay sheegada Daacish ee dilka sarkaalka NISA, wuxuuna intaa ku daray in xalay qarax uu ka dhacay muqdisho, hase yeeshee ayan jirin cid wax ku noqontay.

Gabagabadii, Kooxda Daacish oo ka dagaalanta wadamada Siiriya iyo Ciraaq ayaa howlgalkii u horreeyay ee Soomaaliya waxay ku qabsadeen degmadda Qandala ee gobolka bari, halkaasi oo ciidamadda Puntland ay xoog uga saareen.

Horseed Media 2017

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *