Muqdisho:Xildhibaanadda oo Bilaabay Dhagaysiga Khudbadaha Murashixiinta Guddoonka Barlamaanka.

Published: January 8, 2017

 

Xarunta gollaha shacabka ee Magaaladda Muqdisho waxaa hadda ka socoto dhagaysiga khudbadaha Murashixiinta u tartamaya doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenada ee guddoonka golaha shacabka ee dowladda Soomaaliya , kuwasoo ka horjeedinayaxildhibaanadda Barlamaanka Federaalka
Xildhibaanadda aqalka hoose ayaa bilaabay dhagaysiga khudbadaha shan murashax oo u taagan jagadda guddoomiyaha Barlamaanka iyo lix murashax oo u tartamayay jagadda guddoomiye kuxigeenka 1aad ee barlamankaa Federaalka Soomaaliya

Jadwalka khubadaha murashixiinta oo uu uu saaray guddoonka kumeel gaar ah ee Barlamaank ayaa murashaxiinta siiyay waqti isku mid ah, waxaana la filayaa in uu mid walba taariikhda iyo qorshihiisa siyaasadeed uu u jeediyo Xildhibaanadda si uu ugu qanciyo inay codka siiyaan.

Murashixiinta u tartamaya guddoomiyaha barlamaanka waxaa ka mid ah guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari

Cabdifitaax Maxamed Ibrahim,Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig iyo Idirs Cabdi Takar, halka guddoomiye kuxigeenkana ay u sharaxan yihiin Cabdiweli sheikh Ibrahim Muudey,Faarax Sheekh Cabdiqadir,Jeylaani Nur Ikar,Khadija Maxamed Diiriye,Khalid Macow Cabdiqadir iyo Saciid Xuseen Ciid.

Gabagabadii, doorashadda guddoomiyaha iyo guddoomiye kuxigeenadda gollaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa dhici doontoo 11 bishan January ee sanadkan 2016ka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *