Muqisho: Ismiidaamiye Lagu Toogtay Saldhigga Milateri Ee Turkiga

Published: June 23, 2020
Turksom

Ciidamada ilaalada dugsiga tababarka Turkiga ee Turksom ayaa toogasho ku dilay ismiidaamiye doonayay inuu isku dhex daro ciidamo saf ku jiray oo loo diyaarinayay tababar.


Taliyaha ciidanka xoogga dalka, S/guuto Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlay qaraxa ayaa sheegay inay ilaalada xaruntu toogteen qofkaas oo markii hore laga shakiyay.


“Qof xiran walxaha qarxa ayaa isku dayay in uu soo dhexgalo dhallinyaro Jaamacaddaha kasoo baxay oo doonayay in ay ciidamada kusoo biiraan, balse ciidamada ayaa ka shakiyay iyagoo toogtay kahor inta aanu soo dhexgalin galin ardayda ” ayuu yiri taliye Odawaa.


Saldhigga Turkiga ee Muqdisho ayaa ah goob amnigeeda si aad ah loo ilaaliyo, waxaana lagu tababaro lagu siiyaa Ciidamada Soomaaliya oo isugu jira Boolis iyo Milateri.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *