Murashax Xaaji Maxamed Yasin: Isbedalka Maaha Nin Nin kale ku bedal! – VIDEO

Published: January 28, 2017

Murashax Xaaji Maxamed Yassin oo kamid ah murashaxiinta Madaxweynaha ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho isagoo sheegay in markii sadexaad ugu baaqayo Soomaalida inay qaataan Shariicada Islaamka isla markaana Soomaalida laga rabo inay illaahay u toobad keenaan.

Xaaji Maxamed Yassin oo hada kahor labo jeer kasoo qeyb qaatay Tartanka doorashooyinkii Madaxweynaha sanadihii 2004 iyo 2012, xiliyadaasi oo uu mar walba ku taagnaa in Soomaalida isku xukunto Shariicada.

“…57 sano ayey Soomaali mareysaa iyadoo aan nabadgelyo dhab ah helin, hadana waxaa muuqata in aynaan ku taagneyn wadadii saxda ahayd, waxaa markii sadexaad doonayaa in aan Soomaali xasuusiyo Illaahooda, oo mar sadexaad u sheego inay illaahood u noqdaan, Shariicada Islaamkana maaha Kontarabaan siyaasiyiinta ka kala cararaan, waxaan ku faraxsanahay in mar walba arrintaas Soomaalida xasuusiyo….” ayuu yiri Murashax Maxamed Yassin oo shir jaraa`iid ku qabtay magaalada Muqdisho.

Xaaji Maxamed Yassin ayaa kamid ah maalqabeenada Soomaaliyeed ayaa sheegay inuusan isagu ka daali doonin uu Soomaalida mar walba wanaaga xasuusiyo. Wuxuuna sheegay inuusan dooneyn wax mushahar ah balse la dagaalami doono si gaar ah Musuq Maasuqa iyo Qabyaalada.

“…Waxaan aad u soo dhaweenayaa in maanta Xildhibaanada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose laga soo doortay deegaanada iyo gobalada Soomaaliya, waxaana rajeenayaa inay u adeegaan Danta Soomaaliya, waxaase hada haray in la doorto Madaxweyne oo u baahan in aan loo dooran qof khaldan….” ayuu yiri Xaaji Maxamed oo sii raaciyey “…waxaa loo baahan yahay hogaan daacad ah oo illaahiis ku xiran, khibrad iyo hiigsi siyaasadeed leh oo sidoo kale leh awood fulin, hadii taas la waayo waxaa hubaal ah in Soomaaliya galeyso afar sano oo kale oo khasaaro ah….”

Murashaxa ayaa sheegay in Isbedalka dhabta ah aysan ahayn in nin lagu bedalo nin kale ama koox lagu bedalo koox kale oo hadba dhacda dalka iyo ummada Soomaaliyeed.

Heshiiskii Sacuudiga ee gabdha Soomaalida

Murashaxa Maxamed Yassin oo ka hadlay Qorshihiisa 100 maalmood oo ugu horeysa ayuu sheegay sida uu ulla dagaalami doono Musuq maasuqa, wuxuu si gaar ah u sheegay inuu tir tiri doono gebi ahaan heshiisyada dhibaatada ku ah Soomaaliya iyo Soomaalida oo ay dowladii hore galeen, wuxuu si gaar ah usoo hadal qaaday heshiiskii Jaariyadaha ama gabdha Soomaalida loogu qaadayey dalka Sacuudiga oo u sheegay hadii uu xilka ku guuleysto inuu burburin doono isla markaana maxkamad soo taagi doono dadkii ka danbeeyey heshiiskaas oo uu ku tilmaamay ihaano laga galay shacabka iyo dalka Soomaaliyeed.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo qul qulaya Murashaxiinta xilka Madaxweynaha u tartameysa kadib markii la shaaciyey in 8 bisha Feberaayo ay dhici doonto doorashada.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *