Murashax xildhibaan Galmudug ahaa oo sheegtey inuu kursiga ku waayay sawir uu la galay Xil. Fiqi [ Daawo ]

Published: January 12, 2020

Ibraahim Xasan Cawaale oo ka mid ahaa Musharaxiintii u tartamayay Kuraasta degmada Ceelbuur ka soo galaya Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay inuu kursigaas ku waayay sawir uu la helay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mucaaradka xukuumadda .

Ibraahim oo la hadlayay idaacadda Kulmiye ee Muqdisho ayaa sheegay afar maalin ka hor inta aan la guda gelin xulidda kuraasta Baarlamaanka Galmudug ayaa lagu wargeliyay in lagu helay sawir uu la galay Xildhibaan Fiqi, sidaas darteed aanu kursiga Xildhibaannimo heli doonin.

“Aniga waxaa la iga reebay Liiskii raggii tartanka u galay Xildhibaannimada, waxaa la isoo diray farriin la igu dhahayo waa lagaa shakiyay waxaa lagaa hayaa caddeymo qolooyinka Mucaaradka ayaa laguugu arkay, sawir aan sanadkii hore la galay Xildhibaan Fiqi”

ayuu yiri Ibraahim.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka fariinta soo gaarsiiyay ay isugu jireen dad wakiilo ka ah Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo kala saarayay cida xildhibaannimo loo soo xulayo iyo shaqsiyaadka loo arko in aanay taageersaneyn Xukuumadda ama looga shakiyo inay mucaaradka xukuumadda la safan yihiin.

“Waxaa Facebook laga baaray sawir aan la galay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo aan sanadkii hore ku kulanay Hoteel lagu soo bandhigay Buuq uu qoray Cabdicasiis Xildhibaan oo looga hadlayay taariikhda Gen. C/llaahi Gaafow, anigoo aqoon u laheyn Xildhibaanka ayaa sawirkii aan la galay la igu ciladeeyay oo la igu hor-istaagay Kursigii aan doontay”

ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *