Murashaxiinta Doorashada Madaxweynaha Iran oo la shaaciyey

Published: June 9, 2024

Guddiga Sare ee Iran ayaa maanta oo Axad ah ku dhawaaqday lixda musharax oo u badan muxaafid in loo ogolaaday doorashada 28-ka June ee lagu soo dooranayo Madaxweynaha bedali doona madaxweyne Ebrahim Raisi, kaasoo ku dhintay shil diyaaradeed.

Musharixiinta ay ku dhawaaqday wasaaradda arrimaha gudaha ayaa laga soo dhex xulay 80 qof oo rajo ka qabay in ay tartamaan kuwaasi oo ay soo kala xuleen golaha mas’uulka ka ah doorashooyinka jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Madaxweynihii hore ee mayalka adag, Mahmoud Ahmadinejad, oo hore looga reebay inuu galo tartanka madaxtinimada ee 2017 iyo 2021, ayaa mar kale laga saaray liiska.

Golaha Ilaalada, oo ah hay’ad ka kooban culimo iyo sharci-yaqaano ugu dambeyntii hoos-tagaya kormeerka hoggaamiyaha ugu sarreeya, ayaa ansixiyay lixda musharax ee kala ah:

  • Amirhossein Ghazizadeh-Hashemi, Madaxweyne ku xigeenka hadda talada haya.
  • Mohammad-Bagher Ghalibaf, Guddoomiyaha baarlamaanka hadda jira.
  • Mostafa Pourmohammadi, Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha.
  • Alireza Zakani, Duqa magaalada caasimadda Tehran.
  • Siciid Jalili, Madaxii Guddiga Wada-xaajoodkii hore ee Nukliyeer
  • Masoud Pezeshkian, Xildhibaan.

Horseed Media