Mursal oo Fadhiyada Baarlamaanka ka joojiyay soo xaadiridda 15 Xildhibaan

Published: March 28, 2021

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ayaa soo saaray Warqad fadhiyada Baarlamaanka looga joojinayo 15 xildhibaano oo ka tirsan golaha shacabka.

Mursal ayaa u cuskaday fadhi ka joojinta xildhibaanada ishortaag ay ku sameeyeen kulankii shalay ee buuqa iyo sawaxanka kusoo dhamaaday sida lagu sheegay warqada ,xildhibaanada ayaana laga joojiyay in ay soo xaadiraan 5 fadhi oo kamid ah kulamada Baarlamaanka.

Xildhibaanada uu sheegay gudoomiye Mursal in uu ka joojiyay soo xaadiridda fadhiyada Baarlamaanka ilaa shan kulan ayaa waxaa kamid ah mudanayaal aad uga soo horjeeda dowladda wakhtigeedu uu dhamaaday kuwaasoo shalay ka digay muddo kororsi loo sameeyo madaxda dowladda Federaalka.

Shalay ayay aheyd markii buuq iyo sawaxan uu hareeray kulankii ay yeesheen xildhibaanada wakhtigoodu dhamaaday kaasoo dadka siyaasadda falanqeeya ay sheegeen in xildhibaanada mucaaradka ay fashiliyeeen iskuday lagu doonayo muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *