Mushaharka Ciidamada Burundi ee Jooga Soomaaliya oo Heshiis Laga Gaaray

Published: January 20, 2017
Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Nabada ee Midowga afrika Ismacil Chergui oo heshiis la Galay Dowladda Burundi

Ururka Midowga Afrika ayaa si rami ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii iyo gunnooyinkii ka maqnaa Ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM, islamarkaana ayan ka bixin doonin, oo ay sii joogi doonaan Soomaaliya

Ismaaciil Chergui oo ah sarkaal sare oo ka tirsan midowga afrika oo booqday Caasimadda bujunbura, islamarkaana wadaxaajood la galay dowladda Burundi ayaa sheegay in midowga afrika ay siin doonaan mushaharooyinka iyo gunnooyinka ka maqnaa 12 bilood ciidamada Burundi

“Waxaanu isku raacnay in gunnooyinka aan usoo dirno ciidamada Burundi` ayuu yiri Smail Chergui.

Wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliya Micheal Keating ayaa soo dhaweeyay heshiiska laga gaaray mushaharka ciidamada Burundi.

Dhinaca kale, Dowladda Burundi ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqday inay bilaabayso in ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya, ka dib marki midowga yurub ay diideen in mushaharka ciidamada, ay soo mariyaan dowladda Burundi.

Gabagabadii, Dalka Burundi waxaa ka jooga Soomaaliya 5500 askari oo qaybtoodii u horraysay la keenay 2007dii, waxaana mushaharkooyinkooda bixiya Midowga yurub

Horseed Media 2017

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *