Musharax Cali Xaaji Warsame oo markale Muqdisho lagu soo dhaweeyey-Sawiro

Published: January 27, 2017

Musharax Cali Xaaji Wrasame ayaa markale lagu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Cali Xaaji Warsame ayaa ka soo amba baxay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo, garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ku soo dhaweeyeen xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo bulshada qeybaheeda kale duwan.

Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa u gacan qaaday dhammaan dadkii ku soo dhaweeyey magaalada, isla markaana u mahad celiyey.

Dr. Cali Xaaji Warsame oo ka mid murashixiinti u tartamaya doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhanka kale cambaareeyay weerarkii dadka badan ku dhinteen ee lagu qaaday hotel Dayax ee magaaladda Muqdiso.

Musharax Cali Xaaji Wrsame ayaa tacsi u diray eheladii dadkii ku geeriyooday qaraxa, wuxuuna sheegay inuu la qaybsanayo tiiraanyada iyo dhibaatada dadka Soomaaliyeed

…Waxaan tiiraanyada la qeybsanayaa shacabka Soomaaliyeed oo idil, gaar ahaan ehelada iyo qoysaska dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxyadii bahalnimada ahaa ee ay k Al Shabaab ku weerartay Dayax Hotel” ayuu yiri Cali Xaaji Wrasame

Wuxuu ku tilmaamay nasiib darro in dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan lagu laayo qaraxyo, wuxuuna sheegay in la joogaa waqtigii laamaha amniga iyo shacabku ay iska kaashan lahaayeen sidii kooxdan loo dabargoyn lahaa.

Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa sidoo kale ka hadlay abaaraha ka jira dalka, waxa uuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee wax heysta in ay u gurmadaan walaahooda abaartu saameysay

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *