Musharax Cali Xaaji Warsame oo safar ugu amba baxay dalka kenya

Published: January 10, 2017

Musharax Dr. Cali Xaaji Warsame oo ka mid h Musharaxiint u taagan Xilka Madaxwaynaha Soomaliya ayaa Safar ugu amba baxay magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya, waxaana Socdalkiisu la sheegayaa in uu la xiriiro Olalaha Doorashada ee maalmihii lasoo dhafay uu ka waday Magaalada Muqdisho.

Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa Xogta Safarka deg deg ah ee Nairobi waxa ay ku sheegeen mid muhiim kaas oo xoojin doona Olalaha Doorashada ee Muqdisho ka socda.

Siyaasi Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa loolan adag ugu jira qabashada Xilka Madaxwayaha Soomaaliya, waxaana uu xiriiro fiican la leeyahay diblamaasiyiinta Beesha Caalamka ee fadhiguudu yahay magaalada Nairobi, waxaana taageerada ugu badan uu ka haystaa daneeyayaasha Soomaaliya, iyadoona Safarka deg deg ah la go`aamiyay goor dame oo xalay ah.

Ugu Dambayntii Mushrax Cali Xaaji Warsame ayaa Maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho kulamo isdaba joog ah kula lahaa Xildhibaanada Aqalka Sare iyo Golaha shacabka.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *