Musharax Dhuxulow: “Anagii madaxda ahayn, ayaa la’ meelaan ka marno Farmaajo, iskadaa taageerayaal” – VIDEO

Published: December 17, 2020

Musharax madaxweynaha Soomaaliya Mustaf Dhuxulow oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa si kulul uga hadlay hor-istaag iyo joojin lagu sameeyey xaflad lagu taageerayey isaga oo ka dhacaysay hotel Afrik oo ku yaalla nawaaxiga Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen dhalinyaro taageersan musharaxa ayey ciidamada booliska iyo nabadsugidu joojiyeen markii dadku isugu soo uruureen hotelka, isla markaana lagu amray inay goobta isaga tagaan.

Musharax Dhuxulow ayaa talaabadan ku eedeeyey inay ka dambeeyeen madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha nabadsugida Soomaaliya Fahad Yaasiin, wuxuuna sheegay inay god ku wadaan dalka.

“Anagii madaxda ahayn, dadka dhan na yaqaanay oo dalka kasoo shaqeeyey oo siyaasadda uga horeynay ayaa meelaan ka marno la’ oo nafteena maanta halis ku jirtaa, dadka na taageerayey iska dhaafba.”

Mustafe Dhuxuloow

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *