Musharax Farmaajo oo la kulmay Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaranka-Sawiro

Published: January 12, 2017

Xubno ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha heer Qaran oo ka kooban wasiirro ka socda dowladda Federaalka, dowlad gooleedyada, ganacsato, culumo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ayaa ayaa maanta la kulmay musharrax Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo .

Ujeedadan kulankan ayaa ahaa in la dar-dargeliyo hawlaha lacag uruurinta ee ay maalmahan guddigu ka wadeen magaalada Muqdisho iyo in musharrax Farmaajo uu codkiisa u biiriyo sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha xun ee ka jira guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee K/ Galbeed Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim Sate iyo Wasiir K/xigeenka Arrimaha Gudaha ee Jubaland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa ka warbixiyay hawsha guddiga u qabsoontay ilaa iyo hadda iyo lacagaha ay uruuriyeen oo kor u dhaafaya 60 kun oo Doollar.

Abaarta sanadkan oo loogu magacdaray Siman ayaa ah mid ku dhufatay deegaannada kala duwan ee Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika ayay labada masuul sheegeen in loo baahanyahay dadaal xooggan iyo kharash fara badan si loo badbaadiyo nolosha dadka Soomaaliyeed ee ay ku habsatay abaartan culus.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo xubin ka ah Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku mashquuleen doorasho halkii gurmad loogu fidin lahaa dadka ku xoola beelay abaaraha ee gaajada iyo harraadka la baaba`aya. “Mararka qaar waxaan is weydiiyaa haddii dadkii ay gaajo iyo oon u dhintaan yaa madax loo noqon doonaa. Wa arrin runtii naxdin leh. Damiirkii qofka Soomaaliga ah, waliba ragga masuuliyiinta ah ma garanayo sida uu wax ka yahay.”

Sheekh Nuur ayaa ku baraarujiyay dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay is garabsadaan oo ay sadaqeystaan xoolaha Alle siiyay. “bani aadamka waa lacag jecelyahay balse waxaad ogataan in wax aad bixisaan badalkiisa Alle ayaa keenaya. Marka aad dooneyso inaad wax hesho waxbaa lala baxaa.” Ayuu Sheekh Nuur Baaruud.

Wasiirkii hore ee Beeraha Mudane Cabdi Axmed Baafo oo kamid ah guddigii la kulmay musharrax Farmaajo ayaa uga mahadceliyay deeqda lacageed ee uu la garab istaagay walaalaha Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

“Aniga oo aanan kor u qaadin tiradii aad ku deeqday ayaa waxaan jeclaan lahaa inaan muujiyo waxa ay deeqdaasi tari karto. Deeqdaasi waxa ay dhalin kartaa in 6 kun oo qoys ay hal toddbaad si joogta ah biyo u helaan. Haddii si kale loo isticmaalo waxay dhalin kartaa in 500 oo qoys raashinkooda in muddo bil ah meel loo saaro. Waxaan rajeynayaa inta warkaaga maqlaysay iyo inta uu gaari doono in ay gartaan waajibaadka waqtigan oo kale ka saaran dadkooda.” Ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray Wasiir Baafo

Ugu dambeyntii Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u mahad celiyay guddiga qaranka ee gurmadka abaaraha oo isu xilsaaray in ay waqtigan dhibka badan ay isu xilsaaraan hawshan adag, wuxuuna ku cdsaday dadka Soomaaliyeed in ay xil iska saaraan.

“Waxaan baaq u dirayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gudaha iyo dibadda inta joogta, ganacsatada Soomaaliyeed iyo qof walba oo Alle wax siiyay in ay u gargaaraan dadka walaalahooda ah ee ay nasiib darrada ku dhacday, qof walbana waxa uu awoodo oo karaankiisa ah inuu ka geysto.”

Inkastoo aysan goobta ka shaacin, haddana xubnaha guddiga gurmadka abaaraha ayaa noo xaqiijiyay in ay ka heleen mudane Farmaajo lacag dhan 30 kun oo Doollar ah. Waxaa kale oo ay guddiga noo sheegeen in ay wali ka sugayaan dowladda federaalka ah lacag dhan hal milyan oo doollar oo ay ballan qaadeen madaxda qaranka, inkastoo ay walaac ka muujinayaan in doorashada haatan socota ay dib u dhac ku keeni karto in lacagtaas la helo.

Faafin Horseed Media

 

 

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *